Musharaxa Madaxweynaha Kenya Raila Odinga oo jeediyey balan-qaad Somalia la xiriira

Musharraxa Madaxweynaha Kenya ee isbaheysiga (Azimio la Umoja) Raila Odinga ayaa sheegay in haddii madaxweyne loo doorto uu dib u furi xadka Soomaaliya iyo Kenya oo sanado ka hor la xiray

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu ka qeybgalayay isu soo bax siyaasadeed uu ku qabtay Mandhera.

Raila Odinga ayaa xusay in talaabadaas ay muhiim u tahay badeecadaha ganacsiga ah uu u kala gudbo labada dal ee deriska ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono xaqiijinta amniga magaalada Mandhera iyo guud ahaan gobolka Waqooy Bari ee Kenya oo sanadahan dambe wehel u noqday weerarada Al-Shabaab

“Wax kasta oo looga baahan yahay inaan arrintan waanu ku dhaqaaqeynaa si loo xaqiijiyo dhaqdhaqaaqyada ka socda xadka iyo sidii loo furi lahaa, si aan si xoriyad ah ula macaamilno walaalaheen Soomaaliya” ayuu yiri Raila.

 

- Advertisement -